Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

FARRIIN NOOCEE AH AYUU INOO KEENAY?

Yooxanaa wuxuu ka hadlay carada soo fool leh. Wuxuu u wacdiyey si kulul, isagoo leh, "War ha ku tiirsanina caadooyinkiinna, oo yaanay idinla noqon inaad ku badbaadaysaan qoyska aad ka soo jeeddaan ama diintiinna!" Hadalladaasu waxay ahaayeen digniin. Si markaasi loogu caawiyo dadka inay gartaan muhiimadda farriintiisa ayuu wuxuu isticmaalayey erayo macnahooda uu qoto dheer yahay. Wuxuu ku tilmaamay ciqaabta Ilaah ee imanaysa sida faas lagu goynayo geedaha.

Isagoo ammuurtaas ka hadlayana wuxuu yiri sida ku qoran Injiilka sida Luukos u qoray, cutubka 3, aayadda 9, oo leh: "Geed walba oo aan miro wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa."

Wuxuu kaloo tusaale u soo qaatay haadinta ama kala soocidda buunshada iyo badarka. Oo wuxuu yiri, sida ku qoran Luukos 3:17 oo leh: "Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demayn ku gubi doonaa."

Ulajeeddada digitaankaas waxaa ay ahayd in dadku ay toobadkeenaan. Wuuna wacdiyey dadkii isagoo leh: "Toobadkeena, waayo Boqortooyadii Ilaah way dhowdahay."

Wuxuu sharraxaad ka bixiyey in Ilaah doonayey in qudhiisu isugu muujiyo iyaga hab cusub oo dhammaystiran. Wuxuu dadkii ka codsaday inay aqbalaan fursaddan ah inay toobadkeenaan oo Ilaah la lahaadaan xiriir dhab ah oo wanaagsan.

Yooxanaa Baabtiisaha wuxuu yiri: "Mid aniga iga weyn baa gadaashay iman doona." Qaybtan farriintiisa ahi waxay ahayd sida ogeysiis. Waxaad xusuusataa in dadku ogaayeen wax-sii-sheegidihii Ibraahim, Muuse, Ishacyaah, iyo kuwo kale. Waxay sugayeen oofintooda ama kaamilidooda. Waxay rajaynayeen inay arkaan Masiixa kaasoo ah Bixiyaha. Imminka wixii Yooxanaa Baabtiisaha uu lahaa markii uu joogay qarka webi Urdun waxay ahayd, "Wakhtigii wuu yimid. Waxaad xushmayn kartaan Ibraahim, oo anigana waxaad iigu yeeri kartaan nebi, laakiin mid naga weyn baa haatan idin dhex jooga."

Aad bay ugu muhiimad ballaarnayd qorshaha Eebbe in la soo jeediyo ogeysiiskan si dadka loogu diyaariyo dhacdo ka duwan kuwii ay horey u arkeen. Hadalladii Yooxanaa Baabtiisaha waxay u muuqdeen kuwo xaqiiqo ahaan yaab leh. Wuxuu yiri sida ku qoran Injiilka sida Yooxanaa u qoray, cutubka 1, aayadda 30, oo leh: "Kanu waa kii aan iri, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray." Wuxuuna yiri, "Sababta aan u imidna waxay tahay in isaga la muujiyo." Maxaa loola jeedaa marka la leeyahay: Kan iga daba imanayaa HORTAY BUU JIRAY? Qaybtan baa ugu muhiimsan ogeysiiska. Ma waxay ahaan kartaa in Ilaah qudhiisa, kaasoo jiray ka hor Yooxanaa, uu isku muujinayo Masiixa? Ilaah keliya, ayaa awooda inuu banii-aadanka soo furto. Laakiin, Ilaah waa Ruux; sidee bay dadku muuqaal ahaan u arkayaan, si ay dhab ahaan u aqoonsadaan in isagu uu yahay Bixiyaha, Kan naxariista leh, iyo Kan raxmadda badan?

Taasina waa waxaynu ka wadnay markii aynu niri wakhti khaas ah oo taariikhda ah ayaa yimid. Dadka badankiisu ma ayan fahmin inay maqlayeen akhbaarkii ay nebiyada oo dhammi jeclaayeen inay maqlaan, kaasoo ahaa ogeysiiska qarniyada soo socdaa ay ku magacaabi doonaan AKHBAARKA WANAAGSAN ee dadka oo dhan.

Dabadeedna waxaa yimid wakhtigii soo bandhigidda dhabta ahayd. Qaybtanina waxay ahayd qaybtii farriintii nebi Yooxanaa taasoo nebiyadii kaloo dhammi ay dadka u diyaariyeen. Isagoo jooga Webi Urdun qarkiisa oo dadka la sheekaysanaya ayuu dhinac eegay oo wuxuu arkay mid la yiraahdo Ciise oo ku soo socda webiga, oo ahayd halkii uu wax ku baabtiisayey ama mukhuuriyey.

Cod baa samada laga maqlay, kaasoo caddaynaya in Ciisahaasu ahaa Masiixii la ballanqaaday. Wuxuu ahaa Bixiye oo jir banii-aadan qaatay; oo u muuqday dunida isagoo ah sida Waaqdhaaca ama Allabbariga Kaamilka ah.

Isla markii uu arkay, Yooxanaa Baabtiisaha wuxuu yiri sida ku qoran Injiilka sida Yooxanaa u qoray 1:29 oo leh: "Bal eega Wanka Ilaah, ee dembiga dunida qaadaya! Kani waa kii aan xaggiisa idinkala hadlay." Markii uu erayadaas yiri, Yooxanaa wuxuu horkeenay Ciise Masiixa, dadkii joogay webiga qarkiisa, iyo qof kasta ee kale oo dunida jooga oo maqli doona AKHBAARKA WANAAGSAN. Markaas Yooxanaa wuxuu sharraxaad ka bixiyey in Ilaah u sheegay isaga inuu ninkan u xaqiijiyo inuu yahay muujintii la ballanqaaday, oo ah Bixiyaha. Wuxuuna ahaa Baraarka Ilaah ee dhabta ah. Shaaca ayuu ka qaaday oo wuxuu yiri: "Aniga waan arkay oo waan ka marag furay".

Kuwo badan oo maqlay hadalladii Yooxanaa ayaa waxay ka dareemeen runta niyadahooda. Qaar baa raacay Ciise Masiixa, oo waxay weyddiisteen inuu wax baro. Saaxiibbadood bay u yeereen iyagoo farxad la dhawaaqaya oo leh: "Waxaynu helnay Masiixii!"