Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

SIDEE BAYNU U XAQIIQSAN KARNAA IN TAASU RUN TAHAY?

Caddayn ama Markhaatifur Ka Yimid Erayadii Nebiyada

Maxaad u malaynaysaa, marka ugu horraysa ee aad akhridid erayadan Yooxanaa Baabtiisaha, "Bal eega, Wankii Ilaah!" Miyaad xusuusatay waxbariddii nebi Muuse? Miyaad xusuusatay erayadii nebi Ishacyaah? Taasina waa waaya-aragnimadii kuwo badan oo ku dhegaysanayay nebi Yooxanaa webiga agtiisa. Way ogaayeen in farriintu run tahay waayo hadalladu ma cusbayn. Waxaa ka imanayeen afka ninkan aan caadiga ahayn afkaar iyo fikrado ay yiqiinneen; erayo ay ka maqleen nebiyadii xushmadda lahaa oo dhan.

Wax shaki ah kuma jirin quluubta dadka oo ah in kan la yiraahdo Ciise ee uu ogeysiiyey ama soo bandhigay Yooxanaa uu u taagnaa kaamilidda wax-sii-sheegidyo badan. Ishacyaah wuxuu inoo sheegay in Masiixu uu ka dhalan doono bikrad oo loogu yeeri doono CIMMAANUU'EEL, taasoo macnaheedu yahay, "Ilaah baa inala jooga". Daa'uud iyo Ishacyaah labadaduba waxay sharraxeen faallooyin badan oo ku saabsan noloshiisa iyo dabeecaddiisa.

Tan ugu muhiimadda ballaaran waxay ahayd xaqiiqada ah in Ciise, kan Masiixa ah, calaamadihii waaqdhaaca oo dhan isaga lagu caddeeyey. Sidii uu Ishacyaah sii sheegayba, ilays garasho leh ayaa ka kor iftiimay dhulka. Ilaah oo isku muujiyey jir banii-aadan si dadku u arkaan ayaa noqon lahaa baraarkii kaamilka ahaa ee dhiiggiisa si dhab ah loogu bixinayo ciqaabta dadka dembiga leh. Baraar Quduus ah oo keliya ayaa noqon lahaa waaqdhaaca kama dambaysta ah. Waxaynu tan si buuxda uga hadlaynaa casharkeenna soo socda.

Caddayn ama Markhaatifur Ka Yimid Shaqadii Ciise Masiixa

Waxaynu dersiyadeennii ku soo ogaannay in noloshii nebiyadii waaweynaa ayan ahayn mid sahlan oo raaxo badan. Iyagoo dhan waxay ahayd inay silcaan si loo dhammeeyo wixii Ilaah u diray iyagu inay sameeyaan. Yooxanaa Baabtiisaha waxaa lagu riday xabsi waayo runtuu sheegay! Inkastoo dadku ay ku soo xoomi jireen si ay u maqlaan isaga oo kuwo badanna ay toobadkeeneen, haddana hoggaamiyaashii way diideen isaga. Inkastoo badanaa dadkii ay garteen in hawshiisu ay kaamilaysay wax-sii-sheegidyo, kama badbaadin karin isaga hoggaamiyaashii masayrsanaa oo caraysnaa.

Markii uu Yooxanaa Baabtiisaha xabsiga ku jiray keligiis wuu niyadjabay. Wuxuu ahaa nin hooseeya oo xaq ah. Wuxuu kaloo ahaa mid addeecis leh oo ku guulaystay samaynta hawshii Ilaah isaga ugu yeeray inuu sameeyo. Laakiin weli wuxuu ahaa banii-aadan oo wuxuu lahaa dareen la mid ah kuweenna. Wuxuuna bilaabay inuu shakiyo, oo wuxuu bilaabay inuu yiraahdo, "Waxaan ka welwelsanahay haddii ay waxan oo dhammi run yihiin, waa waxa aan rumaystay ee ku saabsan Ciise, Kan Masiixa ah." Wuxuu xertiisii xabsiga ku soo booqatay ku yiri, "Baxa oo Ciise weyddiiya su'aashan oo waxaad ku tiraahdaan: Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaynu dhawrnaa?"

Markii Ciise Masiixa maqlay su'aashan ayaa wuxuu qalbigiisa ka dareemay jacayl iyo danayn. Wuxuu garanayey in su'aashaasu ka timid doonis dhab ah in la ogaado runta. Si dhakhso ah ayuuna uga bixiyey jawaabtii ku habboonayd.

Wuxuuna ku yiri xertii Yooxanaa sida ku qoran Luukos 7:22 oo leh:

"Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen, markaad ila socoteen. U sheega, kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugaha la'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegaha la'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa."

Waxaynu arkaynaa, markaas, in wax-sii-sheegiddii aan lagu kaamilin oo keliya hadalladii Yooxanaa Baabtiisaha, laakiin waxaa kaloo lagu kaamilay hawshii Ciise Masiixa. Waxaynu kaloo aragnay, in Sayid Ciise uusan ku canaanan Yooxanaa shakigiisii. Oo aanu kula murmin dood-cilmiyeed. Wuxuuse u hadlay si runta qudheedu isu muujiso. Kuwo badan oo su'aalaheenna ah ayaa looga jawaabi karaa si sidaas la mid ah. Haddii aynu furno niyadaheenna iyo maskaxdeenna, akhrinno Qorniinka, oo dhegaysanno markhaatifuridda dadka kale, waxaynu Ilaah ka fili karnaa inuu nagu hanuuniyo runta.

Waxaynu ka baranaynaa arrin kale waaya-aragnimadii Yooxanaa Baabtiisaha, taasoo ah: In shakigu uu yahay wax dadku ay caadi u leeyihiin. Waa inoo caadi innagoo dhan inaynu su'aalo isweyddiinno. Arrinta diinta ku saabsan waa mid aan cayaar iyo kaftan geli karin! Aad bay ugu muhiimad ballaaran tahay qof kasta! Oo nafteennuna aad bay u doontaa runta. Waxaynu u baahan nahay hubsiino. Eebbe wuxuu garanayey sidii Yooxanaa dareemay, oo xitaa wuu garanayaa sidaynu dareemayno innaguna. Kuma canaanan Yooxanaa su'aalihii uu soo weyddiiyey; laakiin jawaabo ayuu ka bixiyey. Isagoo raxmadi ka buuxdo ayuu u xaqiijiyey Yooxanaa runta. Markii aynu soo weyddiinno su'aalo daacad ah, ayuu innana, isla sidii Yooxanaa Baabtiisaha inoo yeelayaa.

Xertii Yooxanaa Baabtiisuhu waxay sii wadeen inay isaga u keenaan warbixinno ku saabsan hawsha Ciise Masiixa. Way caddayd in faallo kasta ee wax-sii-sheegiddii la dhammaystiray oo la kaamilayey. Waxaa caddaan ah in Ciise Masiix uu ku sameeyey mucjisooyin awoodda Ruuxa Quduuska ah ee isaga ku jirta, iyo in qorshaha furashada Ilaah ee naxariista leh si muuqata loogu muujiyey Ciise Masiix. Shakigii oo dhammina wuu baxay.

Hawsha Yooxanaa Baabtiisaha si murugo leh ayey ku dhammaatay bacdamaa lagu dilay xabsiga. Laakiin wuu dhammeeyey hawshii uu u dhashay. Wuxuuna si kaamil ah u dhammeeyey shuqulkii Ilaah u xilsaaray isaga:

  • Wuxuu jidka u diyaariyey muujintii qarsoodiga ahayd ee Ilaah sida aynu ku arki doonno casharkeenna soo socda.
  • Wuxuu dadkii shaaca uga qaaday Masiixa.
  • Wuxuu xaqiijiyey wax-sii-sheegidihii nebiyadii kale markii uu si guul leh ugu dhawaaqay: "Bal eega! Wanka Ilaah, ee qaadaya dembiga dunida oo dhan."